Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedc oo howl-gallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10 km ujirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellada dhaxe oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.
Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.
Degaannada lagala wareegay Alshabaab ayaa ah goobo muhiim u ah oo ay kasoo qaadi jireen weearrada ay kusoo qaadaan deegaanka Geel gub, waxaana haatan soconaya howl-gallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.
Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga saaray Alshabaab ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen ee ka dhanka ah Al-Shabaab