Ciidamada Badda Dalka Liibiya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 121 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaasoo xilligaasi ku sugnaa meel 25 dhanka Waqooyi ka xigta deegaan Xeebeedka Abu-Khammash oo ku yaalla xadka Tuniisiya.
Tahriibayaashan oo ay ku jireen 24 Haween ah iyo Ilma yar, ayaan ahayn kuwo sita aqoonsiyo lagu kala garto halka ay ka yimmaaddeen.
Dadka Tahriibayaasha Afrikaan ka oo Jinsiyado kala duwan isugu jira , ayaa loo qaaday Saldhigga Ciidanka badda ee Tripoli si loogu daweeyo, ka hor inta aan loo dhiibin hay’adda laanta socdaalka iyo muhaajiriinta, taasoo u kala saari doonta waddamada ay kasoo kala jeedaan Dadkan.
Dowladda Liibiya ayaa waayadii damba dedaallo xooggan ugu jirta sidii ay u uruurin lahayd Dadka Tahriibayaasha ah oo Sanadihii dambe marin u ahaa Dalkeeda si ay ugu tallaabaan waddamada Reer Yurub, halkaasoo kummanaan ka mid ihi ay ku dhinteen Badda , Saxaraha iyo Gacanta Muqallasiinta.