Wararka aan Saakay ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Saacadaha soo socda ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee Amisom ay isaga baxayaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Arrintaan ayaa timid kadib markii ay kulan wada qaateen Saraakiisha ciidamada Kenya iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee degmada Baardheere gobolka Gedo, iyaga oo Saraakiisha Kenya ku wargeliyay in ay dib ugu laabanayaan dalkooda Kenya.
Masheegin sababta ku khasabtay inay xilligan ka baxaan degmadaasi ciidamada Kenya Saraakiishooda, waxaana degmadaasi ku sugan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo Al-Shabaab ka difaaci doona.
Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa mudo todobo Sano ah waxaa maamulayay Al-Shabaab balse ciidamada Huwanta ah oo weeraray ayaa la wareegay degmadaas 22-kii bishii July ee sanadkii 2015