Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah caasimadda Tigray
Jeneraal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadu ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan magaalada Mekelle, ee caasimadda gobalka Tigray.
Jeneral Abebaw Tadesse ayaa sheegay in aysan wax wada xaajood ah la gali doonin fallaagada TPLF ee halkaa ku sugan .
Bishii la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku baaqay dib u heshiisiin Qaran, hayeeshee Jeneraal Abebaw Tadesse ayaa sheegay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Jabhadda hubeysan ee Tigray
Ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda Tigray ayaa waxaa horey u dhexmaray dagaalo lagu hoobtay oo ay ku dhinteen kummanaan Askari oo ka kala tirsan labada dhinac, sidoo kalena ay dhaceen duqeymo lagu dilay Askar iyo dad shacab ah.