Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee dagmada Caabudwaaq ayaa gacanta ku dhigay Gaari noociisu ahaa NOHA oo ay saarnayeen 14 kartoon ah maandooriyaha loo yaqaano Khamriga oo si qarsoodi ah loo gelin rabay Magaaladaas.
Gaarigan oo lagu qarinayay Guri ku yaala Xaafada October ee dagmada Caabudwaaq ayaa Ciidamadu xogtiisa heleen, kadibna ay Gacanta kusoo dhigeen gaariga iyo qamridii saarnaa,
Sarakiisha Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ayaa Warbahinta u sheegay inaysan goobta ugu tagin ninkii watay Gaarigan iyo Shaqsigii lahaa guriga, ayna kudaba jiraan, isla markaana lasoo qaban doono, si sharciga loo horgeeyo.
Laamaha amniga Galmudug ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigeen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan sida Khamriga iyo Xashiishka, iyagoona Ciidamada uga digay dadka ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.