Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soamaliya ayaa waxay saacadihii la soo dhaafay howlgalo ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolka Galgaduud howlgalkaas oo loogu talo galay sida ay Saraakiisha sheegeen mid lagu soo badbaadinayay Xoolo ay dad Shacab ah lahaayeen.
Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa War-Baahinta u sheegay in ay Al-Shabaab ka soo badbaadiyeen in ka badan 100 Neef ah oo Ari ah oo ay dad Shacab ah ka dhaceen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xiligii ay Al-Shabaab Xoolaha dadka rayidka ah dhcayeen ay dileen laba qof oo Xoolo dhaqato ah islamarkaana hada Ciidamadu ay dadkii falkas geestay ku raadjoogaan.
Ugu dambeen majiraan wax War ah oo dhankooda ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan howlgalka looga soo badbaadiyay Xoolaha.