Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee Caasimadda Kyiv.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi.
Sawirka ayaana u muuqda mid uu qaaday qof ka mid ah shacabka magaaladaasi deggan. BBC waxay xaqiijisay muuqaalkaasi inuu yahay mid sax ah oo laga soo qaaday gudaha magaaladaasi.
Dhinaca kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137.
Madaxweynuhu ayaa wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayad ah.
Caasimadda Kyiv waxaa hadda laga maqlayaa qaraxyo xooggan oo ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Ruushka magaaladaasi ka wadaan.
Ruushkana wuxuu sheegay inuu burburiyey diyaarado dagaal iyo taangiyo ay Ukraine leedahay. Halka Ukraine dhankeeda ay sheegtay iney diyaarado dagaal uu Ruushka leeyahay ay caasimadda ku soo ridday.