Wararka aan ka heleyno Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas aroortii hore ee saakay ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalkan kooban oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay gudaha Guriceel, hayeeshee markii dambe Ciidankii Ahlusunna ay gabi ahaan isaga baxeen halkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad ee dowladda Federaalka ayaa lagu dhex arkayaa Xaafadaha kala duwan ee Guriceel iyada oo wata gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana dhex wareegaya Magaalada.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidankii Ahlusunna ee muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanka ay u dhaqaaqeen dhanka duleedka Guriceel.
Dhinaca kale Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa xalay is rasaaseyn ku dhexmartay degmadaas, taasi oo ka dhatalay gaari dagaal oo ay lahaayeen Ahlusuna oo isku dayay inuu u goosto dhanka ciidanka dowladda, hayeeshee ay arrintaas iska diideen Ahlusunna.
Shalay ayay aheyd markii Ciidanka dowladda ay dagaal kula wareegeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna, hayeeshee ay isaga baxeen halkaas.