Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS ayaa kala dhegalay maleeshiyo beeleedyo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Galgaduud.
Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee XDS kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa u dhaqaaqay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ku dagaallameen maleeshiyo beeleedyo walaalo ah oo isku deegaan ah.
Bulshada ku dhaqan deegaannada ay colaaddu ka dhacday ayaa ciidamada XDS ka dalbaday in ay xaqiijiyaan dhameynta colaaddaasi, iyagoo ammaanay kala dhexgalka labadaasi dhinac.
Ciidamada XDS ayaa hore u kala dhexgalay una baajiyay colaad hore u dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega bariga magaalada Gaalkacyo, taasoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka deegaanka.
Dagaallada noocan ah ayaa dhibaatada ugu badani waxey inta badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan iyagu qeybta ka aheyn colaaddaasi.