Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan howlgaladaas oo lagu qabtay tiro dad ah oo loga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay Wadada xiriirisa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan Wadadaas oo Saraakiisha Ciidmadu ay sheegen in mararka qaar ay Al-Shabaab Wadada u galaan ciidamada dowladda Somaaliya ee halkaasi maraya.
Sarkaal ka tirsan ciidamada howlgalka wada oo la hadlay Dalsan ayaa shegay in intii uu socday howlgalkaas lagu qabtay in ka badan 10 ruux kuwaas oo iminka baaritaano dheerad ah lagu wado kuwaas oo uu sheegay hadii wax dembi ah lagu waayo lasiideyn doono.
Dowladda Somaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay bilaaban doonan howlgalo lagu furaayo Wadooyin badan oo u Go’doonsan Al-Shabaab kuwaas oo iminka qorshihii howlgalkaas uu gaba gaba marayo.