Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in in saakay baaritaan xoogan ay ciidamada dowladda ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada, kadib nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay xaafada Howlwadaag ee Baladwene.
Saraakiisha ciidamdada dowladda ayaa Radio Dalan u sheegay inay wadaan baaritaanka, hasa’ahaatee ay la hadli doonaan warbaahinta markii uu soo gabagaboobo howlgalka, oo hada xoogiisu uu ka socdo xaafada Howlwadaag.
Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha Baladweyne ku toogtay allaha u naxariistee nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo ka mid ah ergadii wax ku soo dooratay magaalada Jowhar