Wararka naga soo gaaraya Tuulada Qlimow ee Gobolka Shabeellhaa dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Qalimow oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan Milteriga Soomaaliya,waxana la sheegay in dagaalka uu socday mudo ku dhow Saacad.
Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadlnay ayaa waxa ay sheegeen in ay dareemeen cabsi maadaama xiliga uu dagaalka bilaabanayay ay aheyd waqti dadka ay sicaadi ah u Ganacsanayeen.
Khasaaraha la soo sheegayo in uu dagaalkaas ka dhashay ayaa ah hal ruux,waxana dagaalkaas ka soo baxaya Warar kala duwan oo sheegaya in Al-Shabaab mudo kooban ay la wareegeen deegaankaas.
Deegaanka Qalimoow ayaa 25 km waxa uu u jiraa degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana deegaanka Garsaale oo Qalimow inyar u jira fariisin ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya.