Ciidamadda Kumaandooska ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar uga sameeyay deegaanada kala ah Baladul amiin, Tooratooroow, Macalinka, Buulo Bashiir, Iyo degaano kale oo hoostaga degmada Aawdheegle oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada howlgalka laga fuliyay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana qaar kamid ah shabaabka gacanta lagu dhigay.
Waxaa kaloo uu sheegay maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose in Ciidanka Kumaandooska ee Danab ay howlgalka intii uu socday ay kusoo qabteen hub ay wateen xubnaha la qabtay.
“Howlgalkani ujeedkiisu yahay burburinta meelaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaa sameeynaya Ciidmadda Kumaandooska Xoogga Dalka Danab, waxaana Ciidamadda ay gacanta ku dhigeen xubno shabaab ah gaarayay 6 iyo hubkii ay wateenâ€Â ayaa lagu yiri qoraalka Maamulka Sh/Hoose.
Al-shabaab ayaa maalmo kahor waxaa weeraro qorsheysan ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarada ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.