Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Xabsi ku yaalla ku xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland.
Siyaasi Muuse Jaamac ayaa ruux ah siweyn u dhaliisan xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoona dhowr u jeediyay eedeymo kala duwan.
Sidoo kale Muuse Cali Jaamac ayaa habeen kahor Magaalada Boosaaso uga qeyb galay Shir ay yeesheen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari,kaasi oo laga soo saaray qodobo aad loogu dhaliilay maamulka Saciid Cabdullaahi Deni.
Amarka lagu xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,isla markaana haatan uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.