Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay rag hubeysan ay weerareen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa mid ka mid ah xaafadaha Magalada Baladweyne.
Askariga ayaa isna waxa uu rasaas ku furay raggii soo weeraray oo ku hubeysnaa bustoolado,waxana masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in mid ka mid ah raggii hubeysnaa halkaasi lagu dilay halka askarigii uu dhaawac soo gaarey.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo goobta ka qaaday dhaawaca askariga,iyada sidoo kale ay howlgallo ka fuliyeen goobtii uu falka ka dhacay.
Mudo saacado ayaa waxaa hakad galay isku-socodka dadweynaha oo u diyaar garoobayey Maalinta Ciida oo saacado kooban inaga xigaan.
Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa haatan dib ugu soo laabanaya dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle u ka geystay Magaaladaaas.