Ciidanka Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gacanta ku dhigay Nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo doonayay inuu fuliso weerar loo adeegsan lahaa Bam Gacmeed.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in Ninka la qabtay uu doonayay inuu Bam-gacmeed tuuro, waxanaa la qabtay isagoo wax khasaaro ah geysan.
Sidoo kale NISA ayaa soo Bandhigtay Sawirka Ninkaas iyo Bam Gacmeed la tilmaamay inuu watay.
“Ciidamada Amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Nin katirsan Al-Shabaab, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri War kasoo baxay hay’adda NISA.
NISA ma shaacin magaca ruuxa gacanta lagu dhigay iyo halka uu weerarka ka geysan lahaa.