Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dhaadhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Telegram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin.
Muuqaalka gaaban ayaa waxa uu muujinayaa shaqaale dowladeed iyo haweeney gurigeeda ku haysata ilmo, oo u muuqda kuwa dhibaato nololeed ay haysato, isna weydiinaya haddii tani ay tahay wixii ay ku riyoonayeen.
Wuxuu soo jeedinayaa in dadku ay tallaabo qaadi karaan si ay xaaladda u hagaajiyaan — ayaga oo akhbaar siinaya hay’adda sirdoonka Mareykanka — islamarkaana sii ahaanaya waddiniyiin.
Muuqaalka, oo uu wehliyey qoraal, ayaa bixinaya tilmaamo ku saabsan sida ay dadka akhbaar kusoo gudbin karaan ayaga oo adeegsanaya webka qarsoodiga ah iyo agab ay CIA-du sheegtay inuu xaqiijin doono badqabkooda.
“CIA-da waxay dooneysaa inay ogaato runta ku saabsan Ruushka, waaana raadineynaa dad la isku halleyn karo oo noo sheegi kara runtan,†ayey qortay hay’adda.