Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaah Xisibiga Wadajir ayaa ka hadlay waddooyinka xiran iyo arrimo kale oo quseeya sidaayasadda dalka, waxaana eedeyn xooggan uu u jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi maxamed Framaajo.
Waxaa uu ka hadlay waddooyinka saaka xiran isagoo sheegay in ay tahay tallaabo ay dowladdu ku doonayso in aan la qaban xuska 17 December oo uu sheegay in ay ku beegan tahay Seddex sano guuradii kasoo wareegatay markii la weeraray guri uu Muqdisho ka daganaa oo markaasi lagu laayay qaar ka mid ah Askartiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeyay in uu weerar kaas si gaar ah uga dambeeyay, islamarkaana uu diiddan yahay xusuusta iyo baroordiiqda Askartaasi.
“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur†ayuu yiri CC Shakuur.