Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman ayaa qorshahaasi ka sheegay mar uu la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalkaasi, wuxuuna xusay in in Carwo si khaas ahaan loogu soo bandhigayo qeybaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka Pakistan lagu qabto Muqdisho bisha June ee sannadkan.
Ku-xigeenkaasi, waxa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay inay labada Waddan yeeshaan Ganacsi toos ah, si ay ugu wada macaashaan, isago odhanka kale xusay in xilligan Badeecadaha dalka Pakistan ay Somalia ka soo galaan dalal kale.
Sidoo kale, Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman waxa uu xusay inay tiro badan oo Soomaaliya wax ku bartaan dalka Pakistan, isla markaana ay 25 xubnood oo ka soo qalin jebisay Jaamacadaha Pakistan ay xilligan xubno ka yihiin Barlamaanka Federalka Somalia.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalka Pakistan, Fahiimul-raxmaan Saygal o oka hadlay Kulankaasi waxa uu sheegay inay leeyihiin Awoodda dalabka Ganacsatadda Soomaaliyeed, sida qalabka guryaha, Korontadda, Mootooyinka, Balaastikadda iyo xirmooyin kale ee Badeecadaha.
Si kastaba ha ahaatee, Ganacsatadda Pakistan waxay Somalia u soo dhoofiyaan Bariiska, Sonkorta, wax-soo-saarka Daawooyinka iyo qalabka Caafimaadka, iyadoo is-dhaafsiga Badeecadaha ee labada waddan sare u kacay, isla markaana uu gaaray 57.7 million oo Dollar.