Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in tuulo hoostagta degmdaas uu ka dhacay Qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhashay Qori nuuca loo yaqaano Baasuke oo yaallay goob hawd ah oo ku taalla tuulada Ceel-muluq oo hoostagta Degmada Cadale, xili ay Caruur yar ku ciyaareysay.
Qof kamid ah dadka deeganka oo a hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in Caruurta ay dab ku qabteen Qoriga Baasukaha ahaa,hayeeshee markii dambe uu qarxay,waxaana halkaas ku geeriyootay saddex Caruur ah,halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Caruurta dhaawacantay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho,halka qaarkood lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Caruur badan ayaa horay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka.