Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda  ee dalka Canada, Ahmed Hussien ayaa ku dhawaaqay inay bixinayaan Taageero cusub oo Dhaqaale oo wax looga qabanayo Macluusha ka jirta dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.
Wasiirka waxa uu ugu baaqay dhamaan Kooxaha ku lugta leh colaadaha ka socda dalalkaasi inay Shaqaalaha Samafaalka siiyaan dhabo ammaan ah, si ay Gargaarka u gaarsiiyaan dadka baahan ee khatarta ugu jira Macluusha.
Wargeyska The Canadian Press ayaa qoray inay Dowladda Canada ballan qaaday inay bixinayso ku-dhawaad 120-million oo Dollar hawlaha lagu taageerayo dadka ku macluulsan dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen
Ballanqaadkaasi ayaa yimid, kadib, markii ay QM bilowgii bishan ka digtay Macluusha soo food saartay 20-million oo ku nool Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen iyo inay Macluushaasi tahay Xiisaddii ugu ballaarnayd ee Aadmino tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
QM waxay codsatay 4.4 BILLION oo Dollar oo Taageero Aadaminimo tan iyo bisha July si looga hortago Masiibadaasi.
Dhinaca kale, Kaalmadda cusub ee uu ku dhawaaqay Wasiirka Socdaalka Canada, Ahmed Hussien oo dhan ku-dhawaad 120-million oo Dollars, ayaa waxaa loo qoodeeyey Afarta Waddan ee ay ka jiraan Macluusha.
Dalka Somalia waxaa loogu yaboohay 21 million oo Dollar, Nigeria 27 million oo Dollar, Dalka South Sudan 37 million oo Dollar iyo Yemen oo loo qoondeeyey 34 million oo Dollar.
©Radio Dalsan