Madaxweynihii maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah muddo kadib uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Cali Khaliif Galaydh ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Hargeysa ee Somaliland,isagoona saacadaha soo socda ka soo degi doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Cali Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in socdaalkiisu yahay mid gaar ah,isla markaana markii uu soo dhammaystna uu ku laaban doono Magaalada Hargeysa.
Socdaalka Cali Khaliif ee uu ku imaanayo Magaalada Mudisho ayaa waxaa ku soo beegmaya,iyadoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi weli uusan fulin heshiis dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland,kaasi oo ay horey u wada galeen labada dhinac.