Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS ayaa yeeshay Kulan looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada ka dhanka ah Alshabaab iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgalada Alshabaab looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada alshabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago sidii Degnaada maamulkiisa looga saari lahaa dagaalamayaasha Alshabaab.