Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in degmada Balcad maanta laga dareemayo xaalad kacsanaan ah kadib markii ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab.
Sidoo kale wararka kale ayaa waxa ay sheegayaan in rag tirsan Al-Shabaab ay ka soo baxeen dhanka deegaanada Dani Baaloow iyo Basra oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugan naayeen.
Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada dowladda ee ku sugan Gudaha degmada balcad ay difaacyo ka sameesteen Duleedyada degmada si ay uga horataagan weerar kaga yimaada dhanka Al-Shabaab.
Dhammaan waxaa xiran goobihii Ganacsiga iyo Xarumihii Maamulka degmada,waxana dadka badankood ay isugu yimaadeen Xaafada lagu Magacaabo Xaawa Taako oo ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan kuw Midowga frika ee AMISOM.
Tan iyo wixii ka dambeeyay Jimcihii markii ay Al-Shabaab dagaal kula wareegeen degmada Balcad ayaa waxaa cabsi ay soo wajahday dadka ku nool degmadaas,iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.