Waxaa kulan muhiim ah isugu yimid guud ahaan ururada haweenka oo loga hadlayay wax ka beddelka, wasiiirka cusub ee loo magacaabay wasaaraddii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo hadda loo beddelay Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo caqabadaha hor taagan qoondada haweenka. Kulan kan ayaa waxaa hogaaminaysay Saynab Mohamed Hassan oo ah aasaasaha iyo agaasmaha xarunta SGEM. Waxa ayna ka hadashay wax ka beddelka lagu sameeyay wasaaradda iyo muhiimadda ay leedahay in haweenku ka qayb qaataan siyaasadda dalka. Saynab oo arrimahaas ka hadlaysa ayaa tidi;
“In marwalba laga qaado gabadh xil oo loo dhiibo nin, maaha arrin wanaagsan oo aan ku qanacsanahay, waxa aan u arka in ay qalad tahay marka horeba in sidaas la sameeyo.
Waa in si caddaalad ah wax loo qaybsado oo ay haweenku helaan boqolkiiba konton (50%). Haddii la waayay taas, ugu yaraan boqolkiiba soddon qoondada ha lagu dhaqmo maadama ay taasi tahay  sharci.â€
“Haweenka Soomaaliyeed xaq ayay u leeyihiin in ay waddankan hoggaankiisa ka mid noqdaan, in ay xilal ka qabtaan. Gabdho badan oo aqoon leh, karti, dadnimo, iyo waayo-aragnimo ayaa Soomaaliya jooga xaqna u leh in ay xilal qabtaan.† Saynab ayaa sidaas tidhi.
Ururada haweenka ee kulanka isugu yimid ayaa xusay in aan wax ka beddelka Wasaaradda Haweenka laga la tashan, ururada iyo haldoorka haweenka, sida ay sheegtay Caisha Abddule Siyaad;
“Wasaaraddii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, waxa laga beddelay magacii aan ku noqaanay, taas oo la micno ah in ay tahay wasaarad cusub loo na magacaabay nin.
Waxa aan ku baaqayna in wasaaradda magaceedii dib loogu soo celiyo.â€
Intii uu kulanka socday, haweenka ayaa dooddo iyo aragtiyo kala duwan ku waddaagay madasha, waxa ay ka soo saareen aragti ay dhammaan ku midaysan yihiin oo ku aadan sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasadeed iyo u dooddis in wasaaradda magaceedii hore lagu soo celiyo.
Shurki Mohamed Abdi……… Bilan Media