Caawa waxaa siwadjir ah shir Jaraa’id Gudaha Magaalada muqdisho ugu qabtay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale,taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya iyo sidoo kale taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa sheegay in ay jiraan Shirkado sida,kuwa Xawaaladaha, Bangiyada lacagaha haya iyo Gacnsato Al-Shabaab lacag u  dira kuwaas oo geeya deegaanada Bariire iyo toora tooroow ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ay Al-Shabaab maamulaan.
Waxa uu sheegay in dagaalka lagula jiro al-Shabaab uu yahay mid aan joogsaneyn hadii aan laga jarin Shabaab dhaqaalaha,waxa uuna ugu baaqay in Shacabka iyo Ganacsatada intaba ay taageeraan dowladdooda.
“Cid alaala ama Ganacsidii aada toora tooroow   xiligaan wixii ka dambeeya ee taga deegaanada Shabaab ee dhaqaalana  u geeya Maxkamad ayaa la saarayaa hantidoodana  weey banaana tahay waana lala wareegi doonaa waana xaaraan lacgta la siinayo Al-Shabaab ayuu yiri taliye Sambaloolshe.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Sambaloolshe