Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo habeen kahor gaaray Dalka Malaysia ayaa eedeeyn kulul u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu dowladda ku eedeeyay inay isku dayday sidii ay is hor istaag ugu sameeyn laheyd khudbad uu u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia.
War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in Safaaradda Somalia ee Malaysia ku wargelisay Booliska dalkaas in isaga uu yahay danbiile, isla markaana baaritaan dalkiisa uga socdo.
Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa u mahadceliyay ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Maleysia.
Hoos ka Akhriso Qoraalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame.
Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo.
Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee dan qaran dal kale looga jirto. Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii Vila Somalia ee fashilmay.