Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay xaalada Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Shiinaha gaar ahaan Gobolka Wuhan oo ah halkii marka hore uu ka dilaacay Cudurka halista ee Coronavirus.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay inuu la hadlay Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Wuhan ayna u sheegeen in ardaydii Suudaan, Yemen iyo Ciraaq laga soo saaray halkaas, kadib markii dawladahooda ay ka codsadeen dawlada Istuga Imaaraadka Carabta in ay gacan ka siiso soo bixintooda.
Dowladda Soomaaliya ayuu C/raxmaan C/Shakuur sheegay in aysan lahayn tabar ay ku soo bixiso Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha.
“Waxay ii sheegeen Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha in ardaydii Suudaan, Yemen iyo Ciraaq laga soo saaray halkaa, ka dib markii dawladahooda ay ka codsadeen dawlada Istuga Imaaraadka Carabta in ay gacan ka siiso soo bixintooda. Waan ognahay dawlada Soomaaliya in ay lahayn tabar ay ku soo bixiso ardaydaas, laakiin codsi ayey u gudbisan kartaa dawladaha Carbeed. Haddii ay Imaaraad isku xunyihiin, aaway Qatar tii dalka loo afduubay oo darteed dawladihii kale loola kala dhintay†ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur Warsame.
Si kastaba Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian ayaa sheegay in ardada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed.