Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somailand ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta Golaha ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somailand.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxa uu ahaa ka doodista Xaalada deg deg ah ee Madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi dhawaan uu ku soo rogay degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag.
Kulanka oo ay Maata soo xaadireen 107 Xildhibaan ayaa waxaa cod loo qaaday Go’aanka Madaxweynaha ee xaalada deg deg ah,waxaana ogolaaday 40 mudane,isla markaana waxaa diiday 66 Xildhiban,balse markii lagu dhawaaqi lahaa Natiijadda ayaa  Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax si kadis ah ugu dhawaaqay in fadhiga Golaha uu xiran yahay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Xarunta intaas kadib ay ka bilaabay Sawaxan iyo buuq,waxaana maalinta Sabtida ah ee soo socota lagu wadaa in dib markale Xildhibaanada ay uga doodaan Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Xaalada deg deg ah ugu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo eek a tirsan Gobolka Sanaag.