Markab ka diiwaan gashan dalka Lubnaan oo lagu qafaashay meel ka baxsan Xeebaha dalka Yemen ayaa laga fara-maroojiyey Burcaddii qafalatay.
Burcad-baddeeda oo shalay dusha u koray Markabkaasi ayaa waxaa lagu khasbay inay isla xalay ka degaan Markabkaasi oo marayey meel ku dhow Badd Socotra ee dalka Yemen.
Ciiddanka Badda ee dalalka Shiinaha iyo Hindiya ee ku sugan Badda Somalia ayaa ku guuleystay inay Burcad-baddeeda waabiyaan, lana so obadbaadiyo Markabka iyo dhamaan 19-kii Shaqaale ee  la socday oo u wada dhashay dalka Filibiin.
Shaqaalaha la socday Markabkaasi ayaa sheegay inay isku xireen Qol Ammaan ah, kana badbaadeen inay Burcad-baddeeda u gacan galaan.
Markabka la badbaadiyey  ayaa la sheegay inuu ahaa Markab Xamuul oo waday Shixnad Bir ah, kana yimid dalka Malaysia, kuna sii jeeday Dekedda magaalladda Cadan ee dalka Yemen.
Bilowgii bishan, Burcad-baddeeda waxay Dooni Ganacsi oo ay la socdeen 11 Badmaax oo Hindi ah ka qafaasheen meel u dhexeysa Jesiiradda Socotra ee dalka Yemen iyo Xeebta Somalia.
Bishii March ee la soo dhaafay, Burcad-baddeeu waxay qafaasheen Markab Booyadle Shidaal oo ku soo jeeday Dekedda Muqdisho, iyadoo Odayaasha Deegaanka Caluula iyo Maamulka Puntland ku guuleysteen in la sii daayo Markabkaasi oo ay la socdeen Badmaaxiin u dhalatay dalka Sri Lanka.
Sannadkii 2012-kii ayaa ugu dambeysay Maraakiib lagu qafaasho Badda Somalia, inkastoo ay Burcad-baddeed haatan dib u so olaba kacleeyeen.
©Radio Dalsan