12 Burcadeed wadatay doonyaha dheereeya ayaa la sheegay inay Jimcihii shalay weerareen Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Hindiya, sida lagu sheegay War ka soo baxay Taliska Ciiddanka Badda ee Hindiya ka jooga Xeebaha Somalia.
Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalkaasi, Kabtan Sharma ayaa sheegay inay Komaandooska loo yaqaano MARKOS ee la socday Ciiddankooda Badda go’doomiyeen doonidii ay wateen Burcad-baddeeda weerartay Markabka Xamuulka ee MV Jag Amar.
Waxa uu intaasi ku daray inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeedkii, isla markaana ay doonidooda ka heleen Qori AK 47, Fustooyin Shidaal, Xargo iyo Jaranjaro.
Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay bad=qabaan dhaamaan 26-kii Mariniska ee la socotay Markabka Dagaalka ee INS Sharda, kaasi oo hawlgalo ka wada Xeebaha Somalia.