Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka (The Foreign and Commonwealth Office) ee dalka Britain ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay sida ugu dhaqsaha badan Warbixin ka soo siiyaan xaalladda Muwaadinka Britishka ee shalay lagu xiray magaalladda Nairobi.
Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda waxay shalay xoog ku galeen guri uu deggan yahay Muwaadin u dhashay Britain oo ku yaalla magaalladda Nairobi, waxayna halkaasi ku soo xireen Ninkaasi iyo 2 Haween oo asalkoodu Somali yahay.
Boliska Kenya waxay Ninkaasi iyo labada haween u gudbiyeen Qeybta Boliska Kenya ugu qaabilsan Dembi-baarista, si ay su’aalo dheeraad ah u weydiiyaan, waxayna ku eedeeyeen inuu Tom Jones dad u qorayey Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Sarkaal ku lug leh Baaritaankaasi, ayaa sheegay inuusan xirnin Tom James, balse uu Boliska Kenya ka taageerayo arrimo kale.
Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Tom James, kaasi oo ah  Hawl-fuliye Xiriirka Dadweynaha (Public Relation Executive), kana shaqeeeya Mashaariicda La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.
Tom James oo 32 jir waxa uu ka qalin jebiyey Jamaacadda The University of Leeds, wuxuuna la shaqeeyaaa Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ee M&C Saatchi ee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda Nairobi.
Hay’adda M&C Saatch oo la asaasay sannadkii 1995-kii wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Xariga Tom James.
Wargeyska The Telegraph waxa uu sii qoray in Tom James uu Luqadda Carabiga ka soo bartay Jaamacadda magaalladda Dimishiq, isla markaana uu ku yara hadli karo Luqaddaha Carabiga iyo Swahili-ga iyo inuu isagoo Saxafi Madax-bannaan uga soo shaqeeyey dalalka Syria, Lubnaan iyo Iraq.
©Radio Dalsan