Ra’isul-wasaaraha Britain, Theresa May ayaa hadalkaasi sheegtay, kadib, markii ay iyada iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen magaalladda Washington.
Waxay sheegtay in xayiraadda lagu soo rogay Raashiya doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Yukrayn.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuusan weli garwaaqsanin haddii Raashiya laga qaadayo  cunaqabataynta uu horey ugu soo rogay Barack Obama sannadkii 2014-kii.
Waxa uu tilmaamay inuu dhigiisa Raashiya, Valadamir Putin maanta oo Sabti ah khadka Telefoonka kula xiriiri doono.
Raashiya ayaa la sheegaa inay Donald Trump ka taageertay sidii ugu guuleysan lahaa Doorashadii Madaxtinimadda ee uu la galay Hillary Clinton.
©Radio Dalsan