Wakiilka Sare ee UK u joogta dalka Kenya, Jane Marriot ayaa sheegtay inay jeclaan lahayd inay arkaan in Wada-xaajood lagu xaliyo Muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.
Jane Marriot waxay hadalkaasi kaga dhawaaqday mar ay Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto kula kulantay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Karem ee Nairobi, waxayna xustay inay muhiim tahay inay Somalia iyo Kenya wada-xaajood ku xaliyaan arrintaasi.
Waxay soo hadal-qaatay Kulankii Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya dhawaan ku yeesheen Shirkii Golaha Guud ee QM ee magaalladda New York, waxayna xustay inuu Madaxweyne Uhuru qaaday tallaabo muhiim ahaa, si loo xaliyo Murankaasi.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru ayaana ahaa Kulankii ugu horreeyey ee ay fool-ka-fool yeesheen, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu fashilmay Kulankii Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ku dhedhexaadin lahaa labada Madaxweyne bishii March ee sannadkan.
Khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Kulankii 74-aad ee Golaha Guud ee QM ayuu ku sheegay inay DFS ka jawaab sugayso Go’aanka Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorrka ee ICJ ka gaari doonto dacwada Kiiska Badda ee ay Kenya ku sheeganayso qeybo ka mid ah Xudduud-baddeedka Somalia.
Si kastaba, ha ahaatee, Garnaqsiga Maxkamadda ICJ ee lagu dhegeysanayo Dacwadaasi ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socota ee November ka furanto Xarunta Maxkamadda oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.