Ergaygii hore ee Dowladda Britain ugu qaabilsanaa dalalka Barwaaq-sooranka ee (Commonwealth), Ambassador David William Concar ayaa loo soo magacaabay Danjiraha UK u joogi doona Somalia, isagoo bedeli doona Danjirihii hore, Ms. Harriet Mathews oo xilkaasi qabatay bishii March 16-dii ee sannadkii hore, waxaana haatan loo bedelay Adeeg kale oo Diplomaasiyadeed.
Ambassador David William Concar waxa uu Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee dalka Britain (The Foreign and Commonwealth Office (FCO) ku soo biiray sannadkii 2004-tii, waxaana uu soo qabtay xilal kala duwan oo Diplomaasiyadeed.
Danjiraha cusub ee UK u soo magacowday Somalia, Ambassador David William Concar oo ah Xaasle Xaasle 3 carruur leh, waxaa la filayaa inuu xilka Danjirenimo ee Somalia la wareego bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Thrilled to be next UK Amb to #Somalia. Can’t wait to arrive in Jan to build on fab work of @HarrietLMathews. Head down preparing till then!
©Radio Dalsan