Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo dad badan lagu soo qab qabtay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar.
Ciidamada ayaa howlgalkan sigaar ah ugu sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Jowhar,kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay Weerar Bam Gacmeed ah oo lagu dilay Allaha u naxaristee Guddoomiye ku-xigeenkii Arrrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxumed Sugaal Cismaan iyo Wiil yar uu dhalay.
Saraakiisha amniga Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay qabtay In ka badan 400 oo ruux oo u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay falal amnig darro.
Sidoo kale dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dadkii lagu soo qabtay howlgalka Ciidamada isugu geeyeen goob barxad ah,isla markaana intooda badan lagu xiray Saldhiga Booliska Hirshabeelle.
Laamaha amniga Hirshabeelle ayaa baaritaano kala duwan dhalinyaradii lagu soo qabtay howlgalkii laga fuliyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxumed Sugaal Cismaan,kadib war qoraal ah oo ay ku daabaceen barahooda ay ku leeyihiin Internet-ka.