Koox ka kooban 850 Qaxooti Somali ah ayaa isbuucan iskoo da kaga soo ambabaxay Xeradda Dhadhaab, kuna soo laabtay dalka hooyo.
Madaxa Hay’adda UNHCR ugu qaabilsan Hawlgalladda Xerada Dhadhaab, Collins Guedje ayaa sheegay in ku-dhawaad 7,000 oo Qaxooti Somali dib loo soo celiyey tan iyo bilowgii sannadkan 2017-ka.
Mashruuca ayaa waxa uu qorshuhu yahay in ku-dhawaad 79,000 oo Qaxooti dib ugu soo laabtaan Somalia marka la gaaro dabayaaqadda sannadkan.
Daad-guraynta Qaxootiga iskooda u soo laabanayo ayaa si KMG loo hakiyey sannaadkii hore, kadib, markii ay qeybo ka mid ah Somalia ka da’een roobab culus, taasi oo sababtay inay Gaadiidka dhibaato kala kulmaan dhulka dhiiqada badan.
Dhinaca kale, Hay’adda UNHCR ayaa la sheegay inay soo wajahday Kharaj yari ka dhalatay Qaxootiga faraha badan oo ka soo cararayo dagaalladda Iraq iyo Syria, iyadoo Deeq-bixiyaasha lacagaha u weeciyeen Qaxootigaasi.
Qaar ka mid ah Ururadda ka shaqeeya Hawlaha Qaxootiga ayaa lagu khasbay inay yareeyaan shaqada ay ka hayeen Xeryaha Kenyasababo la xiriira caqabadaha cusub ee dhinaca Maaliyadda
Tani waxay horseeday in la xiro Xeradda mar ugu yarad Qaxootiga ee Kambiyos ee W/bari Kenya, kadib, markii Qaxootiga aan Soomaalida ahayn loo wareejiyey Xero cusub oo laga dhex furay Xeradda Kakuma oo lagu magacaabo Kalobeyey.
©Radio Dalsan