Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen 887 qof oo si sharci ahayn u so ogalay dalkaasi, iyagoo ka soo gudbay Maraykanka.
Tirada Guud ee Qaxootiga magangelyo-doonka ee sannadkan lagu qabtay xuduudka Kanada waxay gaarayaan 1,860 qof.
Ku-dhawaad 3 duleel oo 4 duleel ee dadkaasi la qabtay waxaa loo gudbiyey magaalladda Quebec ee Bariga dalkaasi , si baritaano loogu sameeyo.
Dhinaca kale, Boluska waxay sheegeen inay dacwad ku soo oogeen Nin Kanadiyaan oo 43-jir ah, kaasi oo gaarigiisa laga helay 9 qof oo uu tahriibinayeyey.
Dadkaasi oo ka soo jeeda Galbeedka Afrika ayaa la sii daayey, kadib, markii ay buuxiyeen Foomka Qaxootinimadda.
©Radio Dalsan