Ku-dhawaad 200,000 ayaa lagu khasbay inay guryahooda ka cararaan, cabsi lagu qabo inuu soo fataho Biyo-xireenka ugu dheer Maraykanka ee Harada Lake Oroville Dam ee Gobalka California.
Shariifka Deegaanka Butte ayaa sheegay in si degdeg loo daad-gureeyey dadkaasi, wuxuuna sheegay inuusan Hawlgalkaasi la mid ahayn Carbis Milliteri.
Biyo-xireenka laga cabsi qabo inuu soo fataho waxa uu dhererkiisu dhan yahay 230-mitir, waana kan ugu dheer Maraykanka, iyadoo la dhisay sannadihii 1962-dii ilaa 1968-dii.
©Radio Dalsan