Dacwaddii ugu ballaarnayd ee Kiiskaasi ayaa maanta la soo taagayaa in ka badan 230 Eedeysanayaal ay ku jiraan Jeneraalo hore, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ka mid yihiin dadkii ka dambeeyey Afgembigii sannadkii hore la doonayey in lagu afgembiyo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.
Eedeysanayaasha waxay muteysan doonaan Xabsi Daa’im, haddii lagu helo inay Dagaal u adeegsadeen Afgembigaas Fashilmay oo lagu dilay ku-dhawaad 250-qof.
Dowladda Turkiga waxay sheegtay inuu Afgembigii dhicisoobay ee dhacay 15-kii July ee sannadkii hore inuu ka dambeeyey Sheekh Fatxullaahi Gulen oo ku nool Maraykanka.
Fatxullaahi Gulen waxa uu ka mid yahay 231 Eedeysanayaal la magacaabay oo baxsad ah.