Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray Digniin ku aadan Roobab mahiigaan ah oo la filayaan in dhawaan ay ka da’aan Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in dhamaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir iyo laanta Gurmadka Deg-deg ah la geliyay heegsan buuxa.
Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in shacabka ku dhaqan Caasimadda loo diyaariyay gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah iyo kuwa Dab demiska, iyadoo tilmaamtay in qof Kasta oo u baahda Gurmad in uu la xiriiro hay’addaha amniga dowladda.
“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag†ayay tiri Zakiya Xuseen.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed Ma sheegin halka ay ka soo xigatay xogta ku aadan Roobabka kusoo wajahan Magaalada Muqdisho.