Booliska Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howgallo qorsheysan oo ays sameeyeenw axaa ay kusoo qabteen maandooriye si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyay Garoowe.
Ciidanka oo saacadihii lasoo dhaafay xaafadaha Magaaladaasi howgallo ka sameeyay ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Khamri fabadan iyo dadkii watay, waxaana Saraakiisha Boolisku ay sheegeen in cadaaladda la hor gayn doono shaqsiyaadka gacanta lagu dhigay.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in hadda gacanta lagu hayo labo Nin oo watay Khamriga kuwaasi oo xabsiga loo dhaadhiciyay sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska ee gacanta ku haya Khamriga iyo shaqsiyaadka lagu qabtay.
Degaanada Maamulka Purtland ayaa waxaa kusoo badanaya Maandooriyaha kala duwan, waxaana Magaalada Gaalkacyo dhowr jeer lagu soo bandhigay Maandooriye kala duwan oo ay soo qabteen Ciidanka Booliska.