Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Backstone Agaro oo 53-jir ah ayaa lagu qabtay magaalladda Mandhera, xilli uu dadka weydiinayey Jihada loo maro xuduudka Somalia.
Booliska waxay sheegeen inay ku tuhunsan yihiin Ninkaasi inuu doonayey inuu ku biiro Dagaalamayaasha Alshabaab.
Garsooraha Maxkamadda Mandera, Dankun Mataay waxa uu u oggolaaday Booliska La-dagaalanka wax loogu yeeero Argagixisadda ee ATPU inay Ninkaasi sii hayn karaan muddo 7 maalmood, si ay u dhmaaystiraan baaritaankooda iyo haddii uu Ninkaasi wax xiriir ah la leeyahay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Eedeysanahaasi ayaa la sheegay in la xiray bishan 6-dii, isagoo la socday bas ka yimid magaalladda Garissa.
Sidoo kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay inlaga helay bug yar oo ku qornaa in ka badan 100 Degmo oo uu soo booqday, mana wadanin wax Telefoon Gacmeed, si aysan Hay’addaha Ammaanka ula soconin dhaqdhaqaaqiisa.
Waxa uu beeniyey inuu ku sii jeeeday Somalia, balse ay casuumeen saaxiibadiisa oo ku sugan Mandera, isagoo sheegay inuu yahay Farsama-yaqaan Faryaamo ah.