Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen, mid kalena ka afduubteen dugsi hoose oo ku yaalla bariga dalkaas.
Kooxdan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey anteeno taleefon weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa.
“Qiyaastii labadii subaxnimo, Rag hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno taleefon, waxayna dileen saddex macalin,†ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.
Warbixin kale oo booliska ay soo saareen oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in saddexda macallin ee la dilay aysan deganeyn gobolka, islamarkaana macallin kale la afduubtay.
Kooxda weerarka fulisay ayaa sii daayey kalkaaliso caafimaad, sababtuna ay tahay inay ahayd haween.
Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.
Tan iyo bilowgii sanadkan, Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso Bariga dalka Kenya ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya, waxaana heegan sare la geliyey booliska.
VOA Somalia.