Ciidanka ammaanka Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa howlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen, waxaa ay kusoo qabteen Hub, Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha.
Ciidanka ayaa howgalada ka fuliyay Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi, waxaan sidoo kale Saraakiishu ay sheegeen in kooxaha xalay ay gacanta ku dhigeen ay yihiin haraaadiga kooxo kale oo haray gacanta loogu dhigay, kuwaasi oo si dhuumaalaysi ah maandooriyaha kusoo galin jiray Magaaladaasi iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay 8 ruux oo sida ay sheegeen ku howlanaa falal ammaanka lid ku ah, iyagoo haysty hub, gaadiid iyo Maandooriye ka kooban dhowr nooc.
Saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray in hadda ay ku raad joogaan kooxo kale oo degaanadaasi dhibaato ku haya, kuwaasi oo y sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo hor gayn doono.
Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaanahaan kusoo badanayay kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, kuwaasi oo dhibaato weyn ku haya xasiloonida degaanada Gobolkaasi, waxaana mararka qaar ka dhaca Gobolka falal ammaanka lid ku ah, inkastoo horay ay Ciidanka ammaanka Gobolka Mudug ay usoo bandhigeen shabakado ka ganacsan jiray Maandooriyaha.