Ciidanka ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay Mandooriyaha Khamriga ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaaladaas.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah ugu sameeyay Guryo ku yaalla Dhuusamareeb oo lagu tuhmay in lagu qariyo Mandooriyaha Khamriga,iyagoona gacanya kusoo dhigay dadkii ka ganacsanaayay Maandooriyaha .
Wariyaha Warbaahinta ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidanka Booliska ay qorsheynayan in saacadaha soo socda ay goob fagaaro ku burburiyaan Khamriga lagu soo qabtay halkaas.
Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay dadkii ka ganacsanaayay Mandooriyaha Khamriga ee lagu soo qabtay Xaafado ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.