Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay ninkaasi shalay ku dileen Degmadda Kawaale, sida lagu soo daabacay Wargeyska The Star iyo kuwo kale.
Saraakiisha Boliska ayaa u sheegay Wargeyska in ninka la dilay uu ka mid ahaa Dhallinyarada Kenyanka ee dib ugu soo laabtay Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha Boliska Kwale, Joseph Chebusi waxa uu magaca Ninka la dilay ku sheegay Maxamed Jumca Mwamuraji oo 44-jir ahaa, kaasi oo ay Boliska muddo baadigoobayeen.
Waxa uu sheegay inay Boliska toogteen, xilli uu doonayey inuu Ciiddanka ku soo tuuro Bam-gacmeed uu watay.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Ninkaasi gurigiisa ka heleen Bam-gacmeed iyo waxyaabaha qarxa iyo Fiyuuska iyo Fiilladda wax lagu qarxiyo, waa sida hadalka loo dhigay.
Tiro-koob ay Boliska Kawale diyaariyeen sannadkii hore ayey ku sheegeen in Dhallinyarada Kenyanka ee xubnaha ka ah Alshabaab ee ka soo laabtay dalka Somalia ay intooda badan ku soo laabteen magaallooyinka Mombasa, Laamu iyo Kilifi.
©Radio Dalsan