Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa ka soo xigtay Taliyaha Boliska Gobalka Mandera,Fredrick ShisiaΓΒ inay Alshabaab 2-gaari ka soo qaateen Mandheera, ka hor intaysan 2 qof dhaawacin, mid kalena aysan horey u kaxaysanin..
Fredrick ShisiaΓΒ waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab ΓΒ Weerarkii ugu horreeyey ku qabsadeen gaari noociisu ahaaΓΒ TOYOTA HILUXΓΒ oo marayey jidka isku xira Deegaanadda FIIQ iyo Shiikh Barrow ee duleedka Mandera.
Waxa uu intaasi ku daray in Dareewalkii oo keli ku ahaa gaariga lagu amray inuu gaariga u gudbiyo dhinaca Xuduudka Somalia
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Mandheera waxa uu sheegay inay Alshabaab weerar kale ku qabsadeen ΓΒ Gaari noociisu ahaaΓΒ LAND CRUISERΓΒ ΓΒ oo marayey Deegaanka Carabiya oo u dhow Mandheera, waa sida uu hadalka u dhigay.
Gaarigaasi ayaa la sheegay inay la socdeen dad rakaab ah oo ku sii jeeday Degmadda Ceel-waaq ee Somalia.