Ciiddanka Hindida ee ku sugan Deegaanadda ay Hindiya ka maamulaan Gobalka Kashmiir waxay maanta suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala cayriyeen boqolaal Reer Kashmiir ah oo maanta ka qeyb galayey Aaska Marxuum la oran jirey Qaysar Amiin Baha, kaasi oo u geeriyooday dhaawac shalay ka soo gaaray gaari ay Ciiddanaka Hindiya leeyihiin
Diobadbaxayaal caraysan ayaa waxay Naxawsha uu ku jiray Marxuumka socod kula soo mareen qeybo ka mid ah Caasimadda Gobalka Jamu-Kashmiir ee Sringar. Ka hor intasyan Ciiddanka joojinin dadkaasi.
Boliska waxay tilmaameen inuu Socodkaasi ka hor imaanayo Amarka Dowladda Hindida ee lagu mamnuucay inay wax ka badan 4 qof hal goob isugu yimaadaan.
Dadka Deegaanka ayaa shegay inay Dhallinyaradii ka qeyb galaysay Aaska dib isku soo urursadeen, isla markaana ay socod ku marayeen Waddooyinka Faras-magaallaha, iyagoo dhagxaan ku tuuraya Ciiddanka Amniga, kuna baaqayey Erayo ka dhan ah Xukunka Dowladda Hindiya ku haystaan Jamu-Kashmiir.
Dhowr goobood ayey ka dhaceen rabshado dhex maray Ka-qeybgalayaasha Aaska iyo Ciiddanka Ammanaka.
Boliska waxay maydkii ku wareejiyeen qaar ka mid ah qoyska Marxuumka, si ay ugu  soo aasaan Qabuuraha weyn ee ku yaalla magaalladda Sringar.
.Ciiddanka Milliteriga iyo kuwa u tababaran sida Milliteriga waxay fiilooyin gubanaya iyo biro dhigeen Waddooyinka, waxayna Bandow ku soo rogeen qeybta Qadiimiga ee magaalladda Sringar.
Maamulayaasha Hindida ka jooga Gobalka Jamu-Kashmiir waxay hawada ka saareen Adeegga Khadka Internet-ka, si aysan dadka isugu gudbinin farriimaha ka dhanka ah Xukunka Hindida.
Marxuumla maanta la asaay waxa uu shalay si xuu ugu dhaawacmay gaarigii Ciiddanka ee jiiray.
Shilkii shalay ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay
Dibadbaxyadda ka dhanka ah Xukunka Dowladda Hindiya ee Gobalkaasi ayaa sii kordhaya, iyadoo Gobalkaasi u qeybsan yahay labo dhinac oo ay Dowladaha Hindida iyo Pakistan kala maamulaan.
Sawiradda waxaa xuquuqdeeda iska leh Wakaalladda Wararka ee AP