kadib markii la la’aa Muddo ku dhow 3-bilood helista Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta dib loo bilaabay bixintiisa sida ay shaacisay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu Shacabka Soomaaliyeed loogu wargeliyay in Maanta dib loo bilaabay bixinta Baasaboorka Soomaaliya,kaasi oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.
“Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargelineysaa in bixinta baasaboorka ay dib uga bilaabatey dhammaan xaafiisyada dalka, qunsuliyadaha iyo safaaradaha.
Waxaa kale oo aan muwaadiniinta uga mahadcelineynaa dulqaadkooda mudadii hakadka lagu jireyâ€ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoog leh waxa ay ka heysatay Muddo ku dhow 3-bilood Helitaanka Baasaboorka Soomaaliya,waxaana u xayirnaa dad farabadan oo xaalado kala duwan ugu bixilahaa dalka dibadiisa,sida Caafimaad,Waxbarasho iyo ganacsi.